Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa ku wareejiyey Duqa Degmada Salaxlay Cagaf-cagaf oo uu Baanka Dhexe JSL U Maalgeliyey.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL Mudane Cali Ibaahim Jaamac ‘Baqdaadi’ oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed, Maayirka Degmadda Sallaxlay Mudane Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa maanta si wada-jir ah u soo bandhigay Cagaf-cagaf (Bulldozer) casri ah, taas oo Baanka Dhexe ee JSL uu Horumaris ahaan ugu maalgeliyey Degmada Sallaxlay.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL ayaa Maayirka Degmada Sallaxlay ku wareejiyey Furayaasha Cagaf-cagafta oo Model-keedu yahay LW500FN, awooddeeduna tahay Rated Operating Capacity (5000 kg) culayska ay qaadi kartaana yahay Operating Mass (16,940kg) taariikhda la soo saarayna (Manufacture Year) ay tahay 2019.
Dagmadaa Baahi Weyn Uqabtey Helitaanka Qalabkan Kacaawiya Dowladaa Hoose Nadaafada Iyo Wadooyinka Labaneynayaba Waxaaney Muhiin Utahey Baahiyahey Taneysey Inkastoo Aan la odhan Karin Wey Kufilantey Hadan WXtar weymbey utahey

Advertisement

Ku Xayeysiiso