Masar oo sheegtay in hal qof laga helay Cudurka coronavirus

Masar waxay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee cudurka ‘coronavirus’ ee dilaaga ah kaasoo ka dilaacay badhtamaha Shiinaha dhammaadkii sanadkii hore isla markaana tan iyo markaas ku faafay in ka badan laba iyo toban waddan oo adduunka ah.

Afhayeenka wasaarada caafimaadka Masar Khaled Mugahed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qofka laga helay Cudurka uu yahay “nin ajnabi ah” oo aan muujin wax astaamo halis ah.

Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay isbitaal isla markaana uu kujiray. Ma aysan cayimin qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo galay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso