Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka oo sheegay in uu ka shaqeysan la’yahay Donald Trump

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka, General William Bar oo la hadalay ABC News ee Mareykanka ayaa sheegay in uu ka sahqeysan la’ yahay madaxweyne Donald Trump oo uu wiiqayo shaqadiisa, una adeegsanayo Tweeter-ka, taas aysan u surtagalineynin in uu shaqadiisa qabsado.

Dhaleceynta uu u jeediyay Madaxweynaha ayaa timid xilli isha lagu hayo sida waaxda cadaaladda ee Mareykanka ay ula tacaamusho kiis la xidhiidha Roger Stone oo la taliye u ahaa madaxweyne Donald Trump balse la xukumay.

Xeer ilaalinta ayaa lagu eedeeyay inay u liiceen cadaadis uga imanayay madaxweyne Donald Trump.

Hadalka xeer ilaaliyaha guud ayaa u muuqda mid uu kaga cadheysan yahay hab dhaqanka xafiiska madaxweynaha, waxaana uu yidhi “Waxay ila tahay in la joogo xilligii la joojin lahaa in barta Tweeter-ka wax lagaga sheego waaxda cadaaladda”

“Ma qabsan karo shaqadeyda cadaaladda iyadoo marwalba wax laga sheegayo, taas oo minja xaabineysa hawlaha aan hayo,” ayuu raaciyay.

Hogaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee senetka, Mitch McConnell ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu dhageysto hadalka xeer ilaaliyaha.

“Haddii xeer ilaaliyaha uu yidhaahdo waxay saameneysaa qaabka uu u shaqeeyo, madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu dhagesyto”,ayuu yidbi.

Cadho aad u ballaadhn ayaa ka dhalatay hadal toddobaadkan kasoo yeedhay waaxda cadaaladda ee Mareykanka, kaidb markii ay sheegtayy inay qorsheyneyso inay yareyso mudada xabsi ee dadka lagu xukumo, taas oo dad badan ay u arkeen inay tahay mid loogu daneynayo ninka ay saaxiibada yihiin madaxweyne Trump ee Stone.

Mr Roger Stone ayaa la xukumay bishii Nofembar ee sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka iyo in uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka.

Xeer ilaalinta heer federal ayaa markii hore soo jeediyay in Mr Roger Stone lagu xukumo 7 ilaa iyo 9 sano, haseyeeshee soo jeedintaas ayaa waxaa markiiba kasoo horjeestay madaxweyne Donald Trump oo sheegay inay tahay wax lala yaabo oo caddaalad darro ah.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaase ku gacan seydhay soo jeedinta xeer ilaalinta federaalka, taas oo dhalisay su’aal ah in Mr Bar uu farageliyay cadaaladda isagoo ka duulaya hadalkii Trump.

Xeer ilaaliyeyaasha soo jeediyay xukunka Mr Stone ayaa markii dambe isaga tegay shaqada.

Trump ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday Mr Bar, balse xeer ilaaliye Bar ayaa sheegay in marnaba madaxweyne Trump uusan weydiisanin in uu farageliyo kiiska Roger Stone, waxaana uu intaa raaciyay in sida uu Doanld Trump uga hadlo kiisaska yaala maxkamadaha ay tahay mid caqabad ku ah hawlihiisa shaqo.

“Ma waxaad kusii soconeysaa wixii adiga kula quman mise waad ka laabaneysaa adigo arkaya waxa u Trump ku qorayo Tweeter-ka? Waa midaas dhibka aan ku qabno waxyaabaha uu Trump ku qoro Tweeter-ka,” ayuu yidhi Bar.

Mr Bar ayaa sidoo kale sheegay in aysan dhici doonin in ay saameyn ku yeeshaan Kongreska, madaxda warbaahinta iyo madaxweynaha, wuxuuna intaa ku daray in uu rajeynayo in Mr Trump uu ixtiraami doona shaqadiisa.

Xeer ilaaliye William Bar ayaa shaqadan loo magacaabay bishii Febraayo ee sanadkii hore, waxaana xilligaas loo arkayay in ay aad isugu dhaw yihiin madaxweyne Donald Trump.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso