Dhacdo Csjiib ah : Wiil Soomaali ah oo iska dhigayay haweenay si uu ugu dhoofo passport ay leedahay qof dumar ahi oo lagu qabtay Madaarka Esenboğa ee Ankara

Dhacdo Csjiib ah : Wiil Soomaali ah oo iska dhigayay haweenay si uu ugu dhoofo passport ay leedahay qof dumar ahi oo lagu qabtay Madaarka Esenboğa ee Ankara ee Dalka Turkiga maanta.

Ninkan ayaa la sheegay inuu soo galay Turkiga bishii September ee la soo dhaafay, kuna socday wadanka Ingiriiska isaga oo ku safrayay Travel Docoment Ay lahayd haweenay la yidha Khadiija,halka isagana magaciisa lagu soo gaabiyey Ibrahim M.

Booliska ayaa wiilkan ka shakiyey markii ay ka yaabeen Make up ka faraha badan ee uu is mariyey ka dibna waxay dib u eegeen kamaradaha garoonka waxayna arkeen Khadija oo Basaabortka garoonka ku dhex siinaysa intaas ka dib waxay ku amreen Ibrahim M inuu iska biiyo make up ka uu ismariyey iyo in uu iska siibo khamaarka uu xidhnaa.

Wiilka ayaa xidhnaa Haaf, Koodh iyo Khamaar halka uu isku duugay kuna daliigay wajigiisa Make up.

Advertisement

Ku Xayeysiiso