Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Kenya oo Somaliland ku Majeeratay Horumarka ay ka sameysay Dhoofka Xoolaha

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dawladeedda u soo jeedisay inay raacdo dariiqa Horumarka Somaliland ee dhoofinta Xoolaha.

Safiya Cabdi Nuur oo xubin ka ah Baarlamaanka Kenya  ayaa ammaantay horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dekadda Berbera iyo qaabka dhoofinta xoolaha.

Xildhibaanka ayaa  ku dhiirigelisay Kenya inay dhoofiso xoolo badan,iyadoo  ka tusaale qaadanaysa Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaanka oo la hadlaysay golaha Baarlamaanka dalkeeda,iyadoo laga soo doorto deegaanka Ijaara ayaa xustay socdaalkeedii ugu dambeeyey ee ay ku timid Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Magaalada Dekeda ah ee Berbera, waxaanay sheegtay in Somaliland gaadhay horumar la taaban karo oo awood u leh dhoofinta Malaayiin  xoolo ah kuwaasi oo taga Bariga dhexe.

 Xildhibaannada Safiya Cabdi Nuur waxa ay tilmaamtay inaanay Somaliland  sannado badan helin kaalmo shisheeye balse ay dhinaca dhoofinta xoolaha isku filaansho ka gaadhay.

Xildhibaannada Safiya waxay sheegtay in dawladda Kenya oo leh xoolo badan aanay haysan suuq  geyn, balse Kenya dhoofinta xoolaha ka sameyn karto lacago adag, haddii ay raacdo dariiqa Jamhuuriyadda Somaliland ee dhoofinta xoolaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso