Buug uu Qoray Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed oo lagu soo Bandhigay 60 Magaalo oo ku Yaalla Itoobiya

Buug uu qoray Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed  oo  la yidhaahdo MEDEMER (addition) oo ah “Isugeyn” ayaa loogu xafladeeyeeyey Itoobiya.

Bandhigii dhiganahan  ayaa lagu soo bandhigay 65 magaalo oo ku yaalla Itoobiya, waxaana  xafladii lagu qabtay magaalada Addis-ababa ka soo qaybgalay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xukuumadiisa iyo marti-sharaf kale oo lagu soo casuumay.

Buugan oo ka kooban 280 bog, ayaa si qoto-dheer u sharraxaya arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo jihada siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya.

Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed  ayaa sheegay fikirka buuggiisu ku wajahan yahay sidii loo sixi lahaa khaladaadkii hore, isla markaana loo abuuri lahaa mustaqbal wanaagsan.

Waxa kaloo Abiy Ahmed uu ka dareen celiyey bilad sharafta nabadda ee ay ku maamuuseen Guddida Norwegian Nobel Committee, waxaanu sheegay in biladaas ay tahay natiijo ay gaadheen  reer Itoobiya  oo dhammi.

“Abaalmarintu waa mid ay wada gadheen reer Itoobiya oo dhammi,”ayuu yidhi Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed, waxaannu intaas ku daray “Waxa kaloo aynu hawaysanaynaa inaynu ku guulaysanno abaalmarinnada Kimistariga, Fiisigiska iyo Suugaanta.”

Buuga uu qoray Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya waxa lagu diyaariyey  Luuqadaha Axmaariga, Oromada iyo Ingiriisi, waxaana nuqulka Ingiirisiga ahi uu soo bixi doonaa saddex bilood kadib.

Dhiganahan ayaa la daabacay illaa hal Milyan oo Nuqul, iyadoo  iibinayo  300 Bir oo lacagta Itoobiya ah, taasi oo u dhiganta Sagaashan kun oo lacagta Somaliland ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso