Xukuumadda Somaliland oo Maxkamadeynaysa Rag Lagu soo Qabtay 11 Harimo-cad

Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ciidammada milatariga ee ku sugan xeebaha galbeed ee Somaliland kala wareegtay 11 harimacad oo ay gacanta ku soo dhigeen, kuwaas oo la doonayey in laga dhoofiyo xeebaha gobolka Salel ,iyadoo lagu soo qabtay afar qof.

Sidoo kale,  Wasaaraddu waxay gacanta ku soo dhigtay laba harimacad oo kale oo laga soo qabtay deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool, iyadoo uu ka hawl-galay soo qabashadooda isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool oo kaashanaya laamaha ammaanka ee gobolkaasi.

Kabtan Jaamac Rayaale Kheyre oo ah Sarkaalkii hoggaaminyey ciidammadii soo qabtay 11-kan harimacad ayaa sheegay in harimacadyadan iyo raggii watayba lagu soo qabtay halka dooxa Selel uu ka galo badda ,iyaga oo doonayey in ay doon ka saaraan halkaasi.

Cabdinaasir Xuseen Siciid Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland oo ayaa sheegay in cid kasta oo lagu qabto ka ganacsiga sharci-darrada ah ee duur-joogta la marin doono sharciga, isla-markaana wasaaradda deegaanka iyo ciidammada ammaankuba ay heegan ugu jiraan sidii dadkaasi xididada loogu siibi lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Bandare) ayaa ciidammada qaranka uga mahadcelisay sida ay ula shaqeeyaan wasaaradda deegaanka , waxaana ay shacabka reer Somaliland ugu baaqday in ay u soo sheegaan wasaarada dadka ka ganacsanaya duurjoogta dalka si sharciga loo mariyo.

Sidoo kale, Wasiir Shugri Bandare waxa ay ka codsatay ciidammada nabadgelyada ee jooga kaantaroolada magaalooyinka in ay fiiro gaar ah u yeeshaan gaadiidka dhaafaya kaantaroolada ay ku sugan yihiin.

Laba toddobaad guddahood waa markii labaad ee ciidammada Qaranka Somaliland ee ka hawlgala xeebaha galbeed ee dalku ay gacanta ku soo dhigaan harimacado la doonayo in sharci darro dalka looga dhoofiyo. 

Advertisement

Ku Xayeysiiso