Koomiishanka Heer Qaran Ee Xakamaynta AIDS-ka Oo Tabobar U Qabtay Qaar Kamid Ah Culimada Somaliland.

Komishanka heer qaran ee xakameynta AIDS-ka ayaa tabobar u qabtay qaar ka mid ah culimada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Tabobarkan ayaa ahaa sidii ay culimadu qayb uga noqon lahaayeen barnaamijyada uu komishankaasi wado ee ka wacyi galinta bulshada iyo sidii loo dhiirigalin lahaa dadka la nool xanuunkaasi.

Ugu horayna waxa halkaas ka hadlay kana warbixiyey tabobarkaas iyo waxa uu daaran yahay agaasimaha wacyigalinta ee komishankaas Muxyadiin Yuusuf Ibraahin, oo sharaxay hababka lagu kala qaado xanuunkaas oo uu xusay in loo baahan yahay in bulshada wacyigalin ballaadhan laga siiyo, isagoo intaas ku daray inayna bulshadeenu ku baraarug sanayn khatarta xanuunkaasi.

Geesta kale, waxa isna halkaas ka hadlay  Dr. Xasan Cumar, oo ahaa macalinkii bixinayey  tabobarkaas soona bandhigay heerka uu xanuunkani ka marayo aduunka oo tilmaamay in cudur dhaliyaha HIV/AIDS dhibaato weyn ku hayo bulshada caalamka.

Gabagabadii tabobarkaas waxa soo afmeeray agaasimaha fulinta ee komishankaasi C/shakuur Ismaaciil Muumin, oo sheegay inay kulankan u qabteen sidii laysaga kaashan lahaa isla markaana loo xakameyn lahaa cudur dhaliyaha HIV/AIDS ee sii fidaya, wuxuuna intaas ku daray inay doonayaan inay la kaashadaan bulshada qaybaheeda kala duwan si looga midho dhaliyo dedaalka ay ugu jiraan xakameynta xanuunkaas.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso