Taliska Ciidamada Booliska Ee Somaliland Oo Hargeysa Kusoo Bandhigay Gorgor Lagu Dilay Goboladda Barriga Somaliland.

Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo bandhigay maydka Gorgorkii dhowaan dadka waxyeeladda ugu geystay Hawdka Somaliland, gaar ahaana gobolka Saraar.

Taliska Guud ee ciidamada Booliska Somaliland waxa ku sugnaa xiliga Gorgorkaasi lagu soo bandhigaayey Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ,wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed iyo ninkii dilay Gorgorkaasi ,kadib markii uu kusoo weeraray degaan kamid ah gobolka Saraar.

Ninka Gorgorkan dilay ayaa ka xog waramay sidii uu Gorgorkaasi usoo weeraray iyo sidii ay ugu suurto gashay in uu dilo , ninkan ayaa sheegay in Gorgorkani kusoo weeraray meel u dhow degaanka Oog ee gobolka Saraar oo uu meherad ku haystay, waxaanu tilmaamay in gorgorkan iyo 11 shimbirood oo kale oo wehelinaayey ay xaga sare kaga soo degeen , kadibna uu gorgorkani isaga toos usoo beegsaday.

Waxa uu sheegay ninkan uu Gorgorku soo weeraray in gorgorkani cagihiisa kaga qabtay labada Garab, isaga oo isku deyaaya in uu madaxa ka dalooliyo , maskaxdana kala soo baxo, laakiin uu luqunta iska qabtay Gorgorkaasi, kadibna uu baalashiisa wejiga kala dhacaay.

Ninkan ayaa sheegay in qori meel meherada kamid ah ku tiirsanaa uu tiigsaday, sidaasna uu ku toogtay Gorgorkii, halka ay shimbirihii kale ee la socdayna kala yaaceen markii ay dhawaqa rasaasta maqleen.

Waxa ninkan soo gaadhey dhaawacyo fudud oo uu Gorgorkaasi soo gaadhsiiyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso