Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada Oo Kulan U Furay Waaxda Farsamada Gacanta Ee Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa magaaladda Hargeysa ka daah furay kulan hawleed lagaga hadlaayo  dardar gelinta Barnaamijyadii ka fulay  tayeynta Farsamada gacanta ee  ay wasaaradda waxbarashada Somaliland gacanta ku hayso.

Waxaana kulan hawleedkan ka qayb qaadanaayey qaar kamid ah hawl-wadeenada kala duwan ee ka hawl gala waaxda Farsamada gacanta ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland , qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada wasaaradaasi iyo daneeyeyaasha kala duwan ee Arrimaha Farsamada gacanta.

Ugu horeyn waxa kulankan ka hadlay Agaasimaha waaxda Farsamada gacanta ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Caynaan oo ka waramay dedaaladda ay waaxdaasi ku jirto.

Waxa iyaduna goobta ka hadashay madaxa hubinta ee waaxda Tayada farsamada gacanta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Marwo Warda Maxamed Cali  , waxaanay is dultaagtey sida loogu baahan yahay in la dhawro tayada ay leedahay Farsamada gacantu iyo sidii loo dhiirigelin lahaa da’yarta ku jirta.

Ugu dambayna waxa goobtaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo tilmaamay doorka ay Farsamada gacantu kaga jirto adeegyada ay bixinayso wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, waxaanu sheegay in la dhiirigelinaayo korna loo qaadaayo qaybaha kala duwan ee Farsamada gacanta.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso