Somaliland oo 64 qof oo Tahriibeyaal ah dib ugu Celisay Itoobiya

Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa maanta dalkoodii dib ugu celisay 64-qof oo Tahriibayaal Itoobiyaana oo dalka in mudo ah ku sugnaa.

Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo Kaashanaysa Hay’adda Socdaalka aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo (IOM) ayaa dadkan ku sii sagoontiyay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha waaxda soo noqdayaasha iyo Socdaalka ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka Mustafe Cabdi Xuseen iyo Mr Dayib oo ka socday hay’adda IOM, ayaa sheegay in Somaliland ilaalisay xuquuqda socdaalka ee Sharciga ah dadkanna si sharciya dib loogu celiyay dalkoodii ay u dhasheen ee Itoobiya.

Dadkan maanta dalka laga dhoofiyey ee Itoobiyaanka ah ayaa u badnaa dumar iyo Caruur, waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay xiligan dib ugu laabtaan dalkoodii hooyo.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso