Wasiirka Caafimaadka oo Maalintii Labaad Socdaal Ku Maraya Gobolka Awdal

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cumar Cali Cabdilaahi (Badde), ayaa kormeerkii shaqo ee uu ku marayey gobolka Awdal waxa uu maanta ka bilaabay deegaanka Qol-ujeed.

Sida uu ku soo waramay wariye Axmed Cismaan Batuun oo weftigaas noola socda Kormeerkaas waxa wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Cumar Cali Badde ku wehelinaayay masuuliyiin wasaaradaas ka tirsan, kuwaas oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud, agaasimaha waaxda qorshaynta, agaasimaha waaxda adeegyada caafimaadka, agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha iyo masuuliyiin kale oo wasaaradaas ka tirsan.

Markii ay wasiirka iyo weftigiisu gaadheen deegaanka Qol-ujeed ee gobolka Awdal waxa uu booqday xarunta Hooyada iyo dhalaanka ee Qol-ujeed oo uu kula kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas, isagoo warbixin ku saabsan adeegyada iyo baahiyaha ka jira xaruntaas ka dhageystay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee xaruntaas, wuxuuna wasiirku ballan qaaday inay wixii baahi ah ee ka jira xaruntaas wixii karaankooda ah ay wax ka qabanayaan, isagoo masuuliyiinta caafimaadka ee goobtaas ka hawlgala kula dardaarmay inay si daacad ah ugu adeegaangaan bulshadooda.

Waxa kale, oo wasiirka iyo weftigiisu kormeerkaas ku tageen deegaanada Boon, Ceel-baxay, Xariirad iyo Habaaska, oo dhamaantood uu kormeeray xarumaha caafimaad ee ku yaala, isagoo xarun kasta oo uu tago warbixin ku saabsan adeegyada iyo baahiyaha ka jira ka dhagaysanayey masuuliyiinta caafimaadka iyo maamulada deegaanadaasi, isagoo deegaanada qaarkoodna xadhiga ka jaray xarumo caafimaad.

Kormeerkan wasiirka horumarinta caafimaadka ee gobollada galbeedka Somaliland ayaa ah kii ugu horeeyey ee uu ku tago intii xilka loo magacaabay, wuxuuna wasiirku ugu kuur galayaa xaaladaha adeegyada caafimaad ee ka jira deegaanadaasi, kormeerkan ayaa lagu wada in wasiirku ku maro gobollada dalka.

Wasiirka horumarinta caafimaadka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay caawa ku dheelmadaan xarunta gobolka Salel ee Saylac, iyagoo sii kormeeri doona xarumaha caafimaad ee deegaanada u dhexeeya Habaaska iyo Saylac.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso