somaliland way ka gudubtay xiligii qof loo dhiman jiray

asc dhamaan akhyaarta togaherer iyo inta ku xidhan

intaa kadib waxan maqaal kooban ku qaadaa- dhigi doonaa marxaladihii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay intii ay jirtay.

dalkan somaliland waxa uu soo maray duruufo kala duwan oo dhinac walba lahaa, waxa dhici jirtay in markasta oo ay beeli dawlada iska dhex waydo ama ciddii ay wateen mahee qof kale soo galo ay markaas dagaal ka xigeen , taas  oo ay ka faaiidaysan jireen siyaasiyiinta iyo dad kale oo afku xooglayaal ahi wax maragata ka dhaadhicin jireen in aanay arintaas qaadan oo ay ka dagaalamaan iyagoo ka lahaa dano siyaasadeed iyo shaqsiba oo haba yareetee dan ka lahayn cawaaqib xumada ka dhalin karta arintan.

hadaba marxaladan  waxa laga  soo gudbay xiligii uu tala dalkan jamhuuriyada soomaaliland hogaaminay madaxweyne daahir rayaale kaahin kadib markii uu xidhay laba siyaasi oo caan ah oo kala ahaa Eng. Maxamed xaashi iyo Dr. gaboose , markastaa oo ay siyaasiyiin badani ku taliyeen in xoog lagu soo daayo loona dagaalano,nassib wanaag waxa dadkii u caqli celyay wax garadkii kasoo jeeday beelo-hoodo una sheegay  in la is barbar dhigo in ay xidhnaadaan  Dr. Gaboose iyo  ina xaashi iyo iska horimaad dhaco kadibana arintii lagu soo gabagabeeyay  in ay iska xidhnaadaan halkii boqolaal qof soo deyntooda ku naf waayi lahaayeen  sidaasna dalkii iyo dadkiiba ay ku badbaadeen Dr. gaboose iyo ina xaashina iska soo baxeen iyagoo badqaba.

gabagabadii waxan leeyahay dadka faro ku tiris ah ayaa weli aaminsan arintani , haka tanaasulaan in qof loo dhinto , ummada iyo dalkana ha badbaadiyaan . waxa hubaal ah in qofkuna badbaadi doono.

Allaa magad leh

Abdilahi ali Derie ( A. A. DERIE)

Email. abdilahi_3@hotmail.com

Tel 0634465037 ama somtel. 0659122454

Advertisement

Ku Xayeysiiso