“Somaliland iyo Puntland, Soomaaliya In Ay Hoos Yimaadaan Ayaan U Aqoon Sanahay” Ethiopia.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.

 

“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiyadeed”, ayuu sheegay afhayeenka.

 

“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbaysay waji gabax kala kulamaysay wasaarada arimaha dibada Ethiopia qaybteeda Online-ka ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso