Dawlada Ethiopia Oo Gacanta Ku Dhigtay Timo-Gacan Ku Samays Ah.

Dawladda Itoobiya ayaa gacanta ku dhigtay timaha ay dumarku xidhaan ee macmalka ah, kuwaas oo qaab kootarabaan ah dalka loosoo geliyey.

Komishanka Jibjiga ee dalka Itoobiya ayaa maanta sheegay inay qabteen timaha macmalka ah ee ay haweenku xidhaan (Artificial hair) oo si sharci darro ah lagu soo geliyey gudaha dalka, kuwaas oo qiimahoodu yahay malaayiin dollar.

Warka uu soo saaray Komishanka Jibriga laguma sheegin in dad loo xidhxidhay arrintan iyo halka laga soo qabtay midna, hase yeeshee waxay caddeeyeen in timaha la qabtay ay tiradoodu ahayd 195 kartoon oo qiimahoodu noqonayo in ka badan 4 milyan oo Birr.

Komishanku waxa kale oo ay intaa ku dareen in Timahan Kootarabaanka ah ay kasoo gudbeen xuduudka Itoobiya la wadaagto Kenya, gaar ahaan Moyale, laguna qabtay gudaha deegaanka Shucuubta Koonfureed.

Advertisement

Ku Xayeysiiso