29 march waa maalintii la kala dirayey golayaasha deegaanka

 

29 march 2019 waa maalin taariikh mudan oo  golayaasha deegaanka dalka  waqtigoodii ku eg yahay  madaxwayne muse biixi cabdi  waxa laga filayaa  inuu soo doorto moyar iyo ku xigeen sii wada hawsha  gol deegaanka  nin qayrkii loo xiirayow  soo qoyso adiguna  moyarada dalka waxa u dambaysa  xisaabi xill ma laha  ha ku taamilo qaateen was guri barwaaqo iyo  sx gaashandhiga  madaxwayne daacad ah shacbigu  inbadan bay sugayayeen  dalka waxa ka dhacay musuqmaasaq qaatee adna qaado looma baahna

 

Waxaan marna la ilaawi karayn katidii daacadnimadii  dedaalkii ay shacbiga ku nool jsl ugu dareeren  goobah codbixinta doorashadii golayaasha deegaanka dalka waqti ay soo xidheen ilaaween  hawlahii shaqo ee ay gacanta ku hayeen iyo daryeelkii caruurtooda iyagoo inta badan ay taagnaayeen mudo ku dhaw 12saacadood goobaha cudbixinta iyagoo  u huray cunto la aan iyo cabid la aan waqti qoraxdu kulushahay  si ay u  gaadhaan masayrkooda isbadal doonka ah una doortaan halyeyo  ku haga tubta toosan  waxa ka dhex muuqday dadkaa u taagna codbixinta dad waayeel ah oo aad u liitay iyo hooyoyin isa sita ama xaamila ah

Wadnahu waxa uu boodayaa wahaabiga kulmiye moyar sotelco  nin dhabarku muuqda ma qarsoomo manta waxa ay ayaamo inaga xiga maalmihii la filaayey dareenka ku wajahan goolayaasha deegaanka  ee madaxwayne muse biixi cabdi uu u kala diri lahaa dhamaantood loona soo dooran lahaa 1moyar iyo moyar ku xigeen kaliya oo sii wada hawsha shaqo ee magaalooyinka dalka maadama ay si aad ah goolaha guurtida dalku uga biya diideen in mudo kordhin kale loo sameeyo golayaasha deegaanka dalka taas oo  lagu kala qaaday  qabsoomida labada doorasho ee is dhinac socday loona ansixiyey in ay qabsoonto doorashada  aqalka wakiilada oo mudo dhaafbadan ay ugu fadhiyeen kuraasta dalka sifo sharci daro ah  suaashu waxay tahay mudane madaxwayne muse biixi abdi ma qaadi doono talaabada kala dirista golayaasha deegaanka hadii taasi ay dhacdo madaxwaynahu waxa uu kasbaday dareenkii iyo masayrkii shacbiga ku nool dalka jsl

 

Hadaba Goolaha guurtudu waxay ku dhawaaqeen mudo kordhintii aqalka baarlamaanka dalka halka madaxwayne muuse biixi cabdi uu ka gaabsaday in mudo kordhin  loo sameeyo golayaasha deegaanka dalka oo ku sifoobay  musuqmaasaq  shaqo xumo xil gudasho la aan iyo waxqabad la an  cabasho badan  oo kasoo yeedhaya shacbiga ku nool dhamaan gobolada iyo degmooyinka  ay ku kooban tahay jsl

Si walba ha ahaato  mindidu waxay dul sudhantahay  sidii loo kala  diri lahaa golayaasha deegaanka dalka  shacbigu waxay dhagta iyo indhaha ku hayaan  goaanka kasoo yeedhi doona madaxwayne muuse bixii cabdi  oo aad uga biyo diiday  cabashada kasoo yeedhaysa  shacbigii doortay  golayaasha deegaanka dalka oo  aan ku qanacsanayn  inaanay jirin wax ay qabteen  dawlada hoose ee dalku  mudo xiloodkoodi

 

Moyar sotolco waa moyar in badan si  toos ah uga qayb qaatay waqtigii doorashadii xisbiga kulmiye ee muuse  biixi cabdi  inkastoo xillbay adhi jir wadaagtaa  marna moyar sotelco meesha muu soo dhigan in hantidhawr  la galinaayo dawlada hoose hargeisa  sida ay u badinayaan bulshada  ku nool caasimada hargeisa  najiidada kasoo baxda baadhistaa dawlada hoose  waa mid madaxwayne muuse biixi cabdi uu ku kala diri doono  golayaasha deegaanka dalka oo uu soo magacaabi  doono hal moyar oo sii shaqeeya  inta ay qabsoomi doonto doorashada  barlamaanka iyo deegaanka

 

Ma jirto  taariikh waxqabad oo ka muuqata caasimada hargeisa  sida wadooyinka bilicda caasimada  dhibaatada maamul ee mushkulada dhulka oo sii  kordhaysa  ayaa sabibi kartana nabadgalyada iyo xasiloonida dawladnimo  oo ay khalkhal gasha

Waqtiyadii hore golayaasha deegaanka dalka waxa isku soo sharixi  jiray  dad kasoo jeeda qoysas maalqabeen ah  oo u dhashay  gobolkaa ama degmadaa ay  u sharaxan yahiin

Halka manta 25 xildhibaan ay soo doorteen bulshada ku nool caasimada iyadoon loo eegin taariikhdiisi waxbarasho  shaqo waxqabad

 

Waqtigii golaha deegaanku waa gebo gebo  hal cadhani  geed ay ku xoqoto  ma waydo  wadooyinka  waxa dhisay shacbiga iyo ganacsatada dalka 70% ma aha waxaad ku faani kartid hoos u eeg  caasimada  fool xumada bilicda  wadooyinka cidhiidhiga ah  nadaafad darada iyo heshiiska xaaranta ee aad kula jirtid  shirkadaha  qashinka   moyar waxa ku sharaf ah adigoo is casila  manta  shacbigu  uma diyaar aha in ay codkooda doorasho  dambe ay siiyan  muwaadaniinta u sharaxan dalka taas waxa u sababa  khasaaraha iyo guuldarada laydinkala  k sababay  dhiig baxaa iyo  dhimashadaa badbaada hooyada foosha

Waxa markhaati u ah qof kasta oo ku nool caasimada hargeisa dhibaatada ka haysata gadiidka wadooyinka burburay  oo aad wax ugu dhimay bilicda iyo nadaafada caasimada hargeisa

 

Waa in aynu ka fiirsana  doorashada inagu soo socota si aanay u  noqon tii u dambaysay aynu joojino cadiifada qabiilka oo aynu ku soo xulano musharaxiinta  aynu gaysano golayaasha deegaanka dalka

 

Shacbigu ha eersadeen gacmahooda ay ku doorteen  golahan deeganka ah ee fadhiidka  ilaahay waxa uu yidhi  qoomna  ilaahay ma duleeyo iyagoo is duleeya mooyane sida sharciga uu ahaa waqtiyadii  hore doorashada goolaha  deeganka waxa laga soo dooran jiray  tuujarta dad can ah oo leh  maal iyo aqoon  oo usoo istaagi jiray doorashada goolaha deeganka caasimada dalka  manta qof kasta  waxa uu u macalin ah  indhhiisa iyo hargeisa cida ay dooratay

 

 

Dawlada hoose hargeisa waa muraayada laga daawado  maamulka  caasimada hargeisa haday dawlada hoose  xumaato  taa macnaheedu waxa weeye  in ay shacbiga ku nool caasimada harg aanay mardambe  ku dhiiran inay ay si fudud u siiyan codka kalsoonida waqtiga doorashooyinka golayaasha deeganka ee inagu soo fool leh  labo sano ka dib  hadaba waxa waajib inagu ah in aynu xusno soona qaadano maamuladii moyaradii ugu wanaagsanaa ee soo maray caasimada hargeisa iyo  heerka waxqabadkii ay ka qabteen caasimada hargeisa waqtiyadii mudo xileedkoodi moyarnimo  inagoo soo horaysiin doona  eng maxd hashi

Waqtigaa uu la kulmay xilka moyarnimo ee caasimada eng inkastoo ay ahay waqti dalku ku jiro xaalad adag oo aanu si

 

Ugu danbayn  madaxwaynaha jsl mudane muuse biixi abdi

Shacbigii kusoo doortay waxay dhagta isha warbahiyaasha dalka ku hayaan dhwaaqa kasoo yeedhi  doona eek u wajahan  kala dirista golayaasha deegaanka dalka

Waxa markhaati ku ah caasimada hargeisa jidadkeeda bilicdeeda  ma odhan karaa hargeisa waxay la tartami kartaa  caasimadaha dalalka jabuti adisababa neirobi  etc waa maya  wadnahu waxa uu boodayaa wahaabigii kulmiye moyar sotelco aduun waa xeerba xeer sidii weeye xabag cadaadeed xilbay adhi jir wadaagtaa  shacbigu waa ka garsoore  badhista moyar sotelco  isha madaxwayne muuse biixi abdi

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso