Tacsi: Madaxweyne Biixi Tacsi u diray eheladii iyo Qaraabadii uu baxay Marxuum xildhibaan Ibraahim Ciise Buux

TACSI MADAXWEYNE

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Golaha Barlamaanka Somaliland, gaar ahaan golaha Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux oo ku geeriyooday xalay  oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2019, Magaalada Boorama

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Golaha Barlamaanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso