Waddooyinka kalya xanuunka iyo dhaqaale burburka !

Waxa la yidhi waddoonyinka Hargeysa ee Huqda iyo hogga miidhan ah waxa loo bixiyey magacyadii Khulafaa-u-Raashidiin, ta Cali Bin Abii Daalib loogu magac daray ayaaba iga yaabisay, waar nimanku amiirka necebaa ma Nawaasib baa, mise waa khawaarijktii uu la diriray !

Cumar Ibn Khadaab- Alle ha ka raali noqdee – ayaa laga weriyey isaga oo joogay Madiina oo imika dhulka Sucuudiga loo yaqaanno ku taalla, in uu yidhi: “Wallaahay hadday Baqali ku turunturooto Basra- waa magaalo imika ka tirsan dalka Ciraaq- waxa aan ka baqayaa in uu Alle aakhiro i wayddiiyo oo yidhaahdo: Maxaad dariiqa ugu hagaajin wayday Cumarow”.

Jidxumida waxa bulshada kaga luma maalinkasta boqollaalkun oo saacadood oo ay shaqooyinkooda/waxbarashadooda iyo danahooda kale uga faa’iidaysan lahaayeen, waxsoosaarna ku samayn lahaayeen, waxa arrintaa ka dhasha khasaare dhaqaale oo baaxad leh.

Tusaale ahaan: Haddii 100 kun oo qof oo shaqo u socda uu mid waliba jidka googo’an ku habsaamo 10 daqiiqo oo keliya, suuraggalna ay in uu mid waliba celcelis ahaan tobankaa daqiiqo soo saaro 1$ keliya, taasi waxa ay ka dhigan tahay in uu dhacay khasaare 100 kun oo doollar ahi 10 kaas daqiiqo, waayo 100 kaa kun ee qof mid waliba waxa u lumiyey 1$

Dhibaatooyinka badan ee ay ka midka tahay dhibaatada caafimaad darradu ee ka dhashay maritaanka waddooyinka burbursan waxa denbigooda leh oo Alle hortii la wayddiinayaa madaxda dawladda ee lacagta HOGAG MARISTA gawaadhida ka qaadata.

Raadka xilgudasho xumida iyo musuqmaasuqu wuu ka baaxad weynyahay inta aad malaynayso !

Dr-Abdulqani Beder

Advertisement

Ku Xayeysiiso