Warshadaha biyaha soo saara waa in ay soo raaciyaan taariikhda biyaha isticmaalkooda

U Fariin Caafimaad

Warshadaha biyaha soo saara waa in ay soo raaciyaan taariikhda biyaha isticmaalkooda ta kale ma aha in laba warshadood ay hal magic wadaagan si loola socdo tayada biyaha ay soo saaran
Waa in biyaha ay soo saarayaan warshaduhu ay ahaadan biyo nadiif ah oo u wanaagsan caafimaadka bulshada

Biyahu waa noolasha aadamaha waa in aynu ilaalinaa biyaha aymu isticmaalayno had iyo goor Khatarta caafimaad daro ee ka iman karta biyaha ay soo saaran warshadaha biyaha dalka oo intooda badan ay kusoo galaan suuqyada ganacsiga dalka iyagoo aan lahayn taariikh isticmaal oo lagula socdo tayada istismaal waxa ka iman kara kalyo istaag keena caafimaad daro
Fayadhorka biyaha
Biyaha ay soo saran warshadaha dalka oo intooda badan aanay lahayn taariiklh ismicmaal oolagula socdo fayadhowrkooda waqtiga loogu talo galay inla isticmaalo taasi waa mid aan hore loogu arag warshadaha iyo waxsoosaarkooda fayadhowr inkastoonan doonayn in aan magacaabo warshadaha iyo dhaliishooda waxase sharci ah in wasaarada caafimaadka hayada dhawrista tayada iyo laamaha fayadhawrku ay si toos ah ula socdaan warshadaha biyaha iyo waxsoosaarkooda
Warshadaha biyaha waxsoosaarkoodu waxa uu qayb laxaad leh ka qaata fayadhowrka nadaafada biyaha markaa waa in la dhiiri galiyaa waxsoosaarkooda sida warshada biyaha ee zamzam food industry oo soo saarta biyo si xooga looga shaqeeyey fayadhowrkooda oo u wanaagsan caafimaadka bulshada
warshadaha waa biyo nadiifa oo
Daawaysan aadamaha waxa had iyo goor ku keena caafimaad daro sida kalyaha oo istaaga ama xanuun ku yimaado waxay la xidhiidhi kartaa hadba sida uu yahay nadaafada biyo isticmaalkiisa cabista
Biyaha waa in xoog loo cabaa gaar ahaan waqtiga subaxdii 1 litir oo biyo nadiifa waxa in badan ay saamayn waxtar u leeyahiin caafimaadka qaybaha jidhka
Biyahu waa furaha noolasha bina aadamiga biyaha marna kama maarmi karo waxa nabigeeni inoo sheegay in shay kastoo nool ka samaysan yahay biyo
Xidhiidhka wayn ee aadamahu la leeyahay biyaha ayaan manta qormadeena kaga hadlaynaa
Waxa aadamuhu dhamaan isku raaceen in caafimaadka biyaha qodobka ugu horeeya uu yahay in biyaha la cabaya ay nadiif noqdaan 97% sababta oo ah sida lagu helo ayaa adag
Biyo intaas ka tayo fiican qodobka labaad ee soo raaca waa in ay dheeli tiraadan macdanaha biyaha ku jira ee ay ka kooban yahiin oo runtii aad u qaaliya una fiican caafimaadka iyo difaaca qaybaha jidhka aadamaha
Ogow waxa ugu qaalisan biyaha roobka iyo heerka nadaafada ee ay soo maraan sida diintenu sheegtay
Intaanay biyaahasi dhulka taaban sii toos ah marka uga yimaadan cirka waxay waxtar badan oo ay ka daawo yihiin caafimad qabka aadamiga
Waxa loo baahan yahay in aynu had iyo goor ka shaqayno nadaafada biyaheena iyo weelasha wadooyinka ay soo maraan oo aynu ka shaqayno waxa wax tar badan ka yahiin fayaqabka bulshadeena
Sida kormeer iyo u kurgal ay ku sameeyen dad isku hawla arimaha biyaha waxay ka diyaariyeen halka manta ay marayso nadaafada biyaha biyaha laga cabo dhijaamaha baliyada qulqulka fog ceelasha ee ay ka yimaadan biyaha roobku marka aad u sii fiirsato aad fahmi karto fiditaanka magaaloyinka iyo qashinka ku baahay miyi iyo magaalo uu calaamad u yahay sida dhibta yare e daadku u qaadi karo ee uu qaadhsin karo meel fog
Dadka reermiyaga marka aad ka waraysato arimaha biyaha waxay ku sheegayaan marka ay dhoobo qaadayan baliyadooda ay ku arkaan qashin iyo wasakh soo raaca oo aanay garanayn madaama ay ku nool yahiin miyi fog halka qashinkan magaaladu uga yimid
Biyaha hadaan si gaara loo ilaalin waxyaabaha fadarayn kara ee sida weelka kaydinta iyo jirikamada aynu ku shumano biyaha oo aan si fiican loo ilaalin nadaafadeena waa waxyaaba uu shubanku u layey ubadkeena maalin kasta
Sidoo kale waa in taangiyada biyaha aynu ku kaydsano iyo weelka biyaha aynu darsano si fiican loo ilaaliya had iyo goor nadaafadooda sida furarka jirikaamada oo si fiican loo maydho
Biyaha waa in si fiican loo kariyaa ama lagu rido daawada biyaha safeeye oo si fiican u dili kara jeermiska biyaha soo raaca

Fariin caafimaad

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux02010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso