Wadahadaladii Trump iyo Kim oo markale ka furmidoona Hanoi Vietnam

Ergeyga Mareykanka u qaabilsan arrimaha dalka Kuuriyada Waqooyi Stephen Biegun ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Pyongyang ee caasimadda Waqooyiga Kuuriya,isagoo qaban qaabinayay kulan dhexmara hogaamiyaha dalkaasi Kim Jon Un iyo Madaxweyne Donald Trump.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay madaxweyne Trump in wakiilkiisa uu Pyongyang kula kulmay saraakiil ka tirsan Waqooyiga Kuuriya,kulankaasi oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid miro dhal ah oo guulo ku soo dhamaaday.

“Wakiilkeyga wuxuu ka soo laabtay Waqooyiga Kuuriya,kadib markii uu shir miro dhal ah uu la soo yeeshey mas’uuliyiin,waxaa la go’aamiyay waqtiga iyo meesha uu ku qabsoomayo kulanka Labaad,wuxuu ka dhicidoonaa magaalada Hanoi ee Vietnam, 27 February 2019-28,waxaan rajeynayaa in Mr Kim uu xoojin doono dhabaha nabadda”. Ayuu yidhi Trump.

Waxaa lafilayaa in markale ay kulmaan labada ergay Kim Hyok-chol iyo Stephen Biegun,iyagoo xoojinaya dadaalada ku aadan dhameystirka waxyaabihii lagu heshiiyay shirkii ka dhacay Dalka Singapore,gaar ahaan in Waqooyiga Kuriya ay ka tanaasusho barnaamijkeeda Nuclearka ah.

Intii uu ku sugnaa Pyongyang Ergeyga Mareykanka Stephen Biegun  wuxuu la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Kang Kyung-wha,iyagoo isla meel dhigay qorshaha qabsoomidda wejigii labaad ee shirkii Singapore ka dhacay,kaasi oo la qorsheynayo in lagu qabtay dalka Vietnam.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalka Kuuriyada Waqooyi uu noqon doono dal ku talaabsan horumar dhaqaale inta uu xilka hayo hoggaamiye Kim Jon Un,hadii laga dhabeeyo heshiisyada socda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso