Maskii Axmed Siilaanyo Boorsada Ku Ritay

Maskii Axmed Siilaanyo Boorsada Ku Ritay

xirsi-cali.jpg

 Kasmo Li’i Calool Loogu Guray,Raashin Kala Kaan Ah.

Kash -Tarsaasay Dhuuniga Kabidey,Kubadii Shiidaysay.

Kaarboon Silloon Oo Khalqigu,Kugu Karaahaysto.

Kabbac Iyo Marbuu Daaca-Qudhun,Dhereggu Keenaaye.

Kadeed Iyo Adoon Hawl U Marin,Jirridda Koorrayda.

Karuurkiisa Geel Aanad Dhiqin, Waad Ku Kibirtaaye.

Maangaab La Kool-Kooliyoo,Kaadso Garan Waayey.

Kubkuu Kaga Jabaa Meel Cidlo Ah,Subax Kal-Ceebeed’e

Kabbo,Dacarta Waataad Nimcada Kadabsan Weydeen’e….

Abwaan Craxmaan Cumar Cashuur

Sida Hadaba Abwaanka Gabaygiisa Ka Muuqata,Waxa La Yaab Iyo Amakaag Ku Noqotay Badiba Rayul-Caamka Fadeexadda   Wasiirkii Madxtooyadu Ugu Abaal Guday,Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Oo Ahaa Ninkii Soo Qaatay Shakhsiyadan Kasmadiisu Liidato,Ee Inna Baray.

Bal Dib U Milicso Maalmihii Tegey

Axmed Siilaanyo Waxa Uu Markii U Horraysay Kusoo Daray Commishankii Doorashooyinka Ee Bedelay Comishankii Ugu Horreeyey,Muddo Kadib,Ayuu Xirsi Iyadoo Xaaladuhu Cakiran Yihiin,Doorashaduna Dhawr Goor Dib U Dhac Ku Yimi,Xaalada Dalkuna Adag Tahay,Waxa Uu Xirsi Oo Ahaa Guddomiye Xigeen,Hadh Cad Isagoon Wax Wargelin Ah Siinin Gudoomiyihii Xisbiga Uu Kasocday Ee Kulmiye,Uu Shir Jaraaid Oo Uu Ku Qabtay,Xarrunta Commisionka Ku Shaaciayay Inuu Iska Casilay Xilkii Commisionka,Taasina Waxay Qorshihii Xisbiga Kulmiye Ku Keentay Dhaawac Weyn,Isla Markaana Isbedelkaasi Wuxuu Noqday Mid Saamayn Ku Yeesha Nidaamkii Qabsoomida Doorashada.

Ninkii Falkaa Ku Kacay Axmed Siilaanyo Waxba Ugumuu Qaban,Balse Kolkii Uu Madaxtinimada Dalka Ku Guulaystay,Waxa Uu Ka Qayb Geliyay Xukuumaddii U Horraysay Ee Uu Soo Dhisay Isagoo Ka Dhigay(Chief Of Cabinet).Magacaabista Xilkaas Waxa Madaxweynuhu Ugu Dhabar Adaygay Dhaleecayn Aad U Fara Badan Oo Kaga Imanaysay Dhinaca Mucaaradka.Iyo Beesha Uu Kasoo Jeedo Oo Wax Garadkeedu U Arkayeen Inuu Siilaanyo MAS Bac Ku Qaatay,Iyagana Madaama Uu Ninkan Yar Ee Aan Bisaylka Siyaasadeed Lahayni  BOOG   .Ku Yahay Magacooda Iyo Taariikhda Mujaahidka Xilka U Dhiibayba.

Muddo Kadib  Waxa Madaxweynuhu U Dhiibay Xilka Wasiirka Madxtooyada Sland,Kaasi Oo Uu Ilaa Imika Hayay.

Sidii Kolkii Hore Oo Kale Ayaa Dhaleecayntii Loo Jeedinayay Madaxweynaha Waxay Noqotay Tu Halkii Kasii Socota,

Wax Uu Ahaa Shantaa Sano Kanaalka Mucaaradnimada Ugu Weyni Kaga Soo Burqato Madaxweyne Axmed M. Siilaanyo,Waxay Gaadhay Heer Madaweynihii La Jeclaa,Dadkiisa Wax U Qabtay,Usoo Halgamay,Ee Aan Habeen Meel Kale Noloshiisa Ka Aadin,Abaalkana Ku Lahaa Umadiisa ,Ay XIRSI Aawadii U Nacaan.

Waxa Taas Barbar Socotay,Mashaakilaad Kale Oo Aan Debedda Usoo Bixin Oo  Madaxweynaha Kaga Iman Jirtay Beesha Caalamka, Khaasatan Wadamada Jaarka Iyo Dawladaha Horumarka Iyo Deganaanshaha Somaliland Iyo Gobolkaba Daneeya,Iyadoo Madaxweynaha Si Weyn Loogu Naqdiyay Xilalka Uu U Dhiibay XIRSI IYO Rag Kale,Oo Shaki Weyn Looga Qabay Inay Xubno Ka Yihiin Ururo Xag Jir Ah,Gaar Ahaanna Xirsi Xaaji Xasan Oo Dawladdii Hore Ee Daahir Riyaale Ku Qabatay Wakhti Uu Denbiyo Ka Dhan Ah Amniga Faraha Kula Jiray,Tiiyoo Wakhtigaas Laga Soo Qabtay,Bariga Gobolka Togdheer,Laguna Soo Eedeeyey Inuu Xidhiidh Dhow La Leeayahay Ururo Xag Jir Ah.

Dhamaan Fadeexadahaasi Waxay Noqdeen Kuwo Madaxweynuhu Indhaha Dib Uga Laabto,Kamana Suurto Gelin Inuu Xilka Bannaanka Ka Dhigo MUCJISADAN.

Waxay Socotaba Waxay Gaadhay Heer Uu Xitaa Habka Uu U Dhaqmayaa Saamayn Taban Ku Yeesho,Madaxtooyada.

Ma Odhan Karnaa Xirsi Waa Dhurwaagii,Ninkii Dhayda Siin Jiray Dheehadiisii Dooxay.

Waxay Socoto Mixnadiisii Iyo Hagardaamadii Uu Ku Hayay Madaxweyne Siilaanyo,Waxay Kusoo Gebagebowday ,Falkii Dhagaraysnaa Ee Isaga Iyo Koox Kale Isu Kaashadeen Inqilaab Cad Oo Ay Ugu Talagaleen Inay Ku Dumiyaan Qaranka,Taasi Oo Madaxweyne Siilaanyo Go’aan Geesinimo Leh Kaga Saaray Dalka Xaaladdii Xirsi Gaab Iyo Xertii Uu Hor Kacayey Kaga Dareereen Xukuumadda Iskuna Casileen.

Si Kastaba Ha Ahaatee XIRSI GAAB Muddo Shan Sano Ah Ayuu Ahaa XARKA Cuna Sharafta Iyo Taariikhda Madaxweynaha Mujaahid Axmed Siilaanyo,Sidoo Kale Shan Sano Ayuu Ahaa BOOG Kaga Taalla Beerka Beesha Sharafta Leh,Ee Uu Ku Abtirsado

Waxaa Hadaba Maantana La Yaab Leh Inuu Axmed Siilaanyo Oo Xilkii Iyo Hogaamintii Qaranka Si Sharaf Leh Kaga Tegey,Daacadnimona Kaga Soo Dabbaashay Hadimooyinkii Uu Gaadhsiiyay Xirsi Gaab,Bulshada Kusoo Dhex Tuuray Buug Uu Ceeb Fadeexad Iyo Habaar Kusoo Malmaluuqay Oo Ku Ceebaynayo Muj.Axmed Maxamed Siilaanyo.

XIRSI GAAB OO SOO GEBAGEBEEYAY MUSTAQBALKIISA SIYAASADEED

Dadka U Dhuun Daloola Geedi Nololeedka Axmed Siilaanyo Waxay Qirayaan In Xirsi Kaalinta Koowaad Kaga Jiro Dhibaatooyinkii Ugu Cuslaa Ee Axmed Siilaanyo Soo Maray Noloshiisa,Halka Ay Geesta Kalena Dadka Indheer Garadka Ahi Walaac Ka Muujinayaan Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Oo Ay Sheegayaan In Aysan Jiri Doonin Cid Danbe Oo Isku Aamini Doonta Shakhsiyadda Noocan Ah.

Waxaanan Leenahay Hadaba Axmed Siilaanyo Ceebtaasi Iyo Habaarkaasi Mid Qabanaya Ma Aha,Dadkiisa Iyo Dalkiisaba Waa Nin Jecel Iyaguna Sidoo Kale Ay Jecel Yihiin,

Balse Halka Deyr Wakhtigu Dhigo Dibbaa Looga Sheekayn.

halyey cabdi nuur <abdinacfi2013@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso