Ra`iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Oo Booqasho Ku Tagay Paris

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  Dr Abiy Ahmed ayaa maanta gaadhay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, taas oo qayb ka ah booqashadiisa Yurub, isaga oo sidoo kale Booqasho ku tagi doona Germany.

Markii uu ka degay Madaarka Paris ee Raissy Charles De Gaulle, waxa si diirran ugu soo dhaweeyay saraakiil sare.

Inta uu joogo Paris, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Socdaalkiisa xiga wuxuu noqon doonaa Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmi doono Chancellor Angela Merkel si looga wada hadlo arrimaha labada dhinac oo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmi doona in ka badan 25,000 oo qof oo Itoobiyaan ah oo ka kala iman doona wadamo kala duwan oo Yurub ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso