Maxaa Sababa in Ilmahu soo Dhasho isagoo Jidh ahaan iyo Maskax ahaan aan u Bad-qabin. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

In ka badan 2.68 million sebi ah ayaa sannad kasta u leedma xanuunada ka soo raaca uurka hooyada oo loo yaqaanno “Congenital anomalities”,( WHO, 2010). Xanuunadan waxa keena deegaanka, xanuunada lays-qaadsiiyo, nafaqa darro la soo derista hooyada uurka leh iyo hiddo ahaan oo ay hooyada uurka leh u bugto, (WHO; 2010).
Hooyadu waxa ay noqon kartaa mid hidde ahaan u bigta. Hidda sidayaasheeduna xambaarsanyihiin xanuunkii oo marka ugu horraysa ee ilmo uurkeeda galo ay ugud biso xanuu kii. Sidaa awgeedna, uu ilmahaasi noqdo mid adduunyada seega oo ku dhinta afar todobaad wax ka yar. Haddii uu sii noolaadana waajaha adduunyo qallalan oo dhibkeeda iyo saxariirkeeda loo saaro labada indhood. Mararka qaarna uu noqdo qof hadalka, maqalka, aragtida iyo maskaxduba ka maqantahay oo nafta iyo neefsashada uun la soo taagan inta dhimashadiisii saxda ahayd imaanayso, hooyadii dhashayna dhib mooyee aanay dheef ka qaadin inta ay la nooshahay.

Dadka ay haleelaan xanuunada uurka laga soo qaadaa aad bay u badanyihiin. Gebi ahaanba waxa ay dhintaan is-la-jeerka ay soo dhashaan, haddii kale ugu badnaan 28 maalmood ayey ifka ku sii nastaan. Xanuunadani waxa ay ka soo unkamaan ama saldhig ba u noqda ilmahii oo wadnahiisii sidii loogu qaabeeyey ka leexda oo qaybahiisa qaar maqnaadaan. Si awgeedna,  naafsashadu ku adkaato oo sidaa ku dhinta. Xanuunadani waxay ku badanyihiin bulshooyinka Ashkenazi Jews ama Finnska, (WHO, 210)

Xanuunka uurka laysugu gudbiyaa waxa uu 94% ku badanyahay bulshooyinka dhaqaalahoodu hooseeyo, (WHO, 2010). Sidaa darteed,  hooyada aan haysan cunto dhellitiran, meel ay kaga badbaado xanuunada lays qaadsiiyo-infectious disease, ama lagu guursado yaraantu waxa ay halis u tahay in ay uurka ku qaaddo ilmo jidh ahaan aan dhammaystirnayn oo ifka ay kale kulanto dhibaato. Gabadha yaraanta lagu guursadaana wax ay 20% jidhkeedu u diyaarsanyahay inuu uurqaado taas oo macnaheedu yahay in aanay qof dhammaystiran ummuli karin haddii loo galmoodo oo uur makaankeeda galo.

Xanuunadani sidoo kale waxa ay hooyada uurka leh uga soo gudbi karaan cayaan dilayaasha loo adeegsado beeraha, kiimikada ka tinaado nadiifiyayaasha iyo cuntooyinka moolgaraysan ee dibadda laga soo waarido sida kalluunka Tuna.

Qalinkii: Sadam Osman Kaabash
Degmada: Mohamed Mooge.
Hargeisa, Somaliland
Biomedical Scientist.

Advertisement

Ku Xayeysiiso