Hay’adda ICG Oo Sheegtay In Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab Ee Kenya iyo UGanda Uu Soo Yaraaday

(TOGGAHERERNEWS)-Hay’adda ICG Oo Sheegtay In Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab Ee Kenya iyo UGanda Uu Soo Yaraaday…

67 qof ayaa ku dhintay weerarkii Westgate ee Siteembar 2013

Shan sano ka hor, bishii Siteembar 2013, afar ka mid ah mintidiinta Al Shabaab ayaa gudaha u galay xarunta laga dukaamaysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, ayagoo halkaa ku dilay 67 qof, waxayna xarunta haysteen muddo afar maalmood ah, ayagoo muujinayey in xarakadu ay gaari karto meel ka baxsan Soomaaliya.

Hay’adda ICG oo warbixin ka soo saartay 5 sano ka dib weerarkaas ayaa ku eegtay khatarta Al Shabaab ee gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska beddelay amniga.

“Ugaarsiga aan loo aabo yeelin ee ka dambeeyey weerarkaas ayaa sii huriyey carada muslimiinta, wuxuuna sii dardar geliyey in mintidiintu ay dad cusub qortaan” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sannadkii 2015 ayey hay’addu sheegtay in maamulayaashu ay nidaamkaas wax ka beddeleen.

Shaahow wuxuu sheegay in khatarta Al Shabaab ay u wareegayso Tanzania

Cabdullaahi Cabdille Shaahow oo ka tirsan hay’adda ICG wuxuu BBC u sheegay in dadka deegaanka “laga qayb galiyey amniga, oo ay iyagu hormuud ka yihiin hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab”.

Sida ay hay’adda ICG sheegayso, taasi waxay keentay in istaraatijiyada Al Shabaab ee Kenya ay is beddesho oo ay u wareegaan dhinaca Tanzania, ayagoo gacansaar la samaystay “mintidiin maxalli ah”. “Laakin taasi micnaheedu ma aha in ay dhamaatay khatartii Al Shabaab ee Kenya” ayuu yiri Shaahow.

Sidaasoo ay tahay Al Shabaab waxay weli sii wadeen weerarradii ay ka gaysanayeen Gudaha Kenya.

Afar maalmood ayey dagaallamayaal ka tirsan Al Shabaab haysteen Westgate

Warbixintu waxay hoosta ka xarriiqday tallaabooyin ay maamulayaasha Kenya iyo Uganda adeegsadeen oo aan mirodhal noqon, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xarig aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo ay boolisku u gaysteen dadka muslimiinta ah.

Laakin taas casharka laga bartay ayaa ah “in Soomaalida laga qayb galiyey amniga, sidoo kalena dadka dega gobolka xeebta lagu warejiyey sugidda amnigooda” ayuu yiri C/laahi Shaahow.

Hay’addu waxay ku talinaysaa in talaabooyinkaas la qaaday ay noqdaan kuwo la sii wado, waxayna dhinaca kale soo jeedinaysaa in “la joojiyo dadka la dilo ayadoo aan sharciga la marin”.

Waxay kaloo soo jeedisay in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la soo dhoweeyo muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalalkaas ku nool.

Advertisement

Ku Xayeysiiso