Netanyahu oo dalbaday cadaadis caalami ah in la saaro Xamaas si ay u sii dayso Maxaabista lga haysto Dalkiisa

Ra’iisal Wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netayahu ayaa ka dalbaday Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in Cadaadis caalami ah lagu saaro Xamaas in ay soo afjarto Haysashada afar Yuhuud ah marinka Qaza.

Netanyahu ayaa xusay in uu la soo qaaday Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa qadiyada maxaabiista laga haysto Yuhuud ayna hayaan Xarakada Xamaas kana dalbaday Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa in Xamaas la saaro Cadaadis caalami oo ay ku sii daynayso Yuhuda ay haystaan.

Waxaanu ku adkaystay in Jimcayada Quruumuhu ay arrintan soo gasho maadama oo ay ahayd tii dhexdhexaadisay Yuhuuda iyo Xamaas xiligii xabad joojinta xiligii ay afduubteen Sarkaalka Hadar Goldin.

Israel ayaa sheegtay in Xamaas ay haysato Afar Yuhuud ah ayna ku jiraan Laba askari oo loo badinayo In ay dhinteen weerarkii u dambeeyey ee Yuhuud ku qaaday Qaza 2014 kii.

Dhinacooda Xarakada Xamaas ayaa diidan in ay ka hadlaan Masiirka Yuhuudan ilaa iyo inta ay ka wada hadlayaan Talviv bedelashada dadka reer Falastiin ee ku xidhan Jeelasha Yuhuuda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso