Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ku dhawaaqay baadhitaan baahsan oo ku saabsan dhul sharci daradda lagu boobay iyo guryihii boobka lagu dhistay ayna la wareegi doonaan

Madaxweynaha Somali State ee Itoobiya Md Mustafe M Cumar Cagjar ayaa ku dhawaaqay in.ay baadhitaan bilaabayaan ku saabasan dhul si sharci daro ah loo boobay loona dhistay xiligii Nidaamkii Cabdi Ilay, waxaanu Madaxweynuhu Sheegay in lala wareegayo dhulkaas loona celin doono dadki lahaa.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa Yidhi Sidatan :-

Waxay dawladdu dhawaan bilaabaysaa baadhitaan baahsan oo la xidhiidha dhulkii sharci daradda lagu boobay iyo guryihii boobka lagu dhistay. Dhamaan waa lala wareegayaa waxaana la siin doonaa ciddii laga boobay iyo dadkii nidaamkii hore dhibaateeyay. Ilaa hadda dhul iyo hanti badan oo ay boobeen dad aan soomaali ahayn oo u badan saraakiil ciidan ayaan xogtooda oo dhamaystiran gacanta ku haynaa. Dhakhso ayaan talaabo u qaadi doonaa lagula wareegayo hantidii shacabka laga boobay.

Warqabadka ToggaHeree

Advertisement

Ku Xayeysiiso