Sucuudiga oo Rajaynaya in 8.5 Milyan Cimraysanaya ay rajayanayaan Mawsimka Sanadkan!

Riyad ayaa rajaynaysa in sanadan ay yimaadaan 8.5 Milyan Cimaraysanaya Dalka Sucuudiga waxayna sheegeen in ay siyaaday dal ku galka sanadkan 19Kun oo dalab, dadka cimraysanaya ee imanaya hadda ayaa ah 626 Kun oo rag iyo Dumar isugu jira.

Wasaaradda Xajka iyo Cimrada Sucuudiga ayaa sheegtay in ay dhamaystirtay dhamaan adeegyadii loogu talagalay Dadka cimraysanaya oo la rajaynayo sanadkan in ay gaadhaan 8.5 Milyan sanadkan.

Waxayna intaa ku dartay in jinsiyadaha ugu badan ee ilaa hadda soo gaadhay ay yihiin uguna horeeyaan Pakistan ayna ku xigto India ,Sirlank ,Urdun iyo Kuwait xaga dadka Cimraysanaya.

Sucuudiga ayaa wakhti hore oo qadin ah fasaxay Cimrada Bilowga Bisha Muxaram halkii ay awal ka ahayd Bilowga Bisha Safar, taas oo ay sababtay sida ay sheegtay Wasaaradu tirada dadka Cimraysanaya oo korodhay iyo 15 Shawaal oo ay xidhanto Cimradu Sanad kasta.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in korodhka dadka cimraysanaya ee dalka dibadiisa ka imanaya ay gaadhi doonto sanadda 2022 ilaa 15 Milyan, sanada 2030 ilaa 30 Milyan.

Sanadkii ina dhaafay Tirada Cimraysatay ee Dibada dalka ka yimid ayaa lagu sheegay in ay ahayd ilaa 7 Milyan oo Ruux .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso