Netanyahu : Asad uu nabadgelayaa haddii uu ka saaro Iran Suuriya

Masuul Sare oo ka tirsam Israel ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Yuhuuda Binjamin Netanyahu uu gaadhsiiyey Madaxwynaha Ruushka Valdamir Putin in Madaxweynaha Suuriya uu ka nabadgeli doono Israel hadii uu fuliyo hal shardi kaas oo ah in ciidamada Iran uu ka saaro Suuriya.

Masuulkan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in Netanyahu uu u gudbiyey shuruudan markii uu wada hadalada la lahaa Madaxweynaha Ruushka ka dib saacado markii ay Israel soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Suuriya lahayd oo gudaha u gashay Dhulka Israel Maalintii Arbacadii taas oo kor u qaaday xaalada Ka taagan xuduudka labada dal.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso