Haweenaydii U horeysay ee Baxrayn u dhalatay oo Duulisay Diyaarad Dagaal

Baxrayn Ayaa sheegtay In Haweenaydii u horeysay ee u dhalatay Dalkaasi ay kicisay duulisayna Diyaarad Dagaal ayna duulimaad Samaysay.

Wakaalada Wararka Dalkaasi ayaa sheegtay in Ra’iisal Wasaaraha Dalkaas Amir Khalifa Binu Salman Alkhaliifa uu goobjoog ka ahaa markii ay duulimaadka samaynaysay inanta uu awoowga u yahay kabtan duuliye Sheekha Caa’isha Bintu Rashid Alkhalifa.

Wakaalada Ayaa intaa ku dartay in Kabtan Caa’isha ay duulisay diyaarad dagaal oo nooceedu yahay Hawk iyada oo ka duulisay saldhiga Sheekh Ciisa duulimaadkaas oo qaatay saacad qudha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa amaanay kuna tilmaamay dhacdo ugub ah muujinaysana kartida haweenayda reer Baxrayn.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Baxrayn Jeneral Khaliifa binu Axmed Alkhalifa ayaa sheegay in Sheekha Caa’isha loo diiwaangeliyey noqotayna ciidanka Cirka Ee Boqortooyada Baxrayn.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso