Tobanaan Dhimasho iyo Dhaawac ah Weerar ay u geysteen Daliban Ciidanka Afganistan

Kooxda Daliban ayaa weerar ay geysteen ku dilay in ka badan 30 askari oo Afganistan ah halka ay dhaawaceen Labaatan kale weerar ay ka geysteen xerooyin ku yaal Xuduudka ku yaal Dajikistan.

Sidoo kale sida ay wariyeen warbaahinta Maxaliga ahi Rag hubaysan oo ka tirsan Daliban ayaa ku dilay Gobolka Qunduz ee Waqooyi Bari ee dalkaas weerar ay ka fuliyeen toban askari saqbadhkii Xalay.

Weerarka Xuduudka ka dhacay ayaa isaga lagu dilay 32 Askari labaatan kalena lagu dhaawacay waxayna kooxdu ku furatay hub iyo rasaas badan oo yaalay xerada ay weerareen.

Xukuumada Afganistan ayaa iyadu aan ka hadal weeraradan loo geystay Ciidamadooda.

Maalmihii u dambeeyey ayaa la isla dhex marayay in ciidamadu baraha kaantarool ee xuduuda Dajikastan ay faarujiyeen habeenkii barahooda iyaga oo ka baqaya weerar lagu soo qaado ayna soo qaadaan Daalibaan ka dib markii uu faafay warar sheegaya in kooxo hubaysan oo daalibaan ah lagu arkay deegaanka kuwaas oo isku faafiyay deegaanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso