Ra’yi ururin la Qaaday : Inta Badan Dadka Maraykanka oo aaminsan in Obama yahay Madaxweynihii Ugu Fiicnaa taariikhda Maraykanka

Ra’yi Ururin la qaaday ayaa sheegtay in 40% dadka Maraykanku ay aaminsan yihiin in Madaxweynihii hore ee Barak Obama yahay Kii ugu wanaagsanaa Taariikhda Maraykanka.

Sida uu qoray Wargeyska “The Hill” ra’yi ururintan oo ay qaaday shirkadda “Pew Research Center” waxa kaalinta labaad galay Bill Clinton Oo hogaamiyay Maraykanka sanadii u dhaxeeyey 1993 ilaa 2001 waxaana u codeeyey 33%.

Waxa ku sii xiga Ronlad Reagan oo isna Xukumay Maraykanka Sanadii 1981 ilaa 1989 waxaana u codeeyey 32% dadka la ururiyey Fikradahooda.

Madaxweynaha hadda Donald Trump ayaa isaga waxa u codeeyey 19%.

Wargeyska ayaa ku tilmaamay in Ra’yi ururintan ay dadka ka qayb qaatay ay siiyeen una doorteen Madaxweynihii ugu fiicnaa Obama.

Dadka U codeeyey Obama aya xagga da’da marka la eego u badan dadka dhashay Sideetamadkii ilaa Sagaashamaadkii,Ra’yi ururintan ayaa la qaaday Bishii June ee ina dhaaftay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso