Anagu Haddii Aanu Nahay Golihii Guurtida Waxaa la yidhi Qolo Gaar Ah Oo Habarawal La Yidhaahdo Ayaa Saleebaan Meesha Ka Qaadaysa Oo Mooshin Keenaysa=Xil Dayib Xasan

(Toggaherer) Anagu Haddii Aanu Nahay Golihii Waxaa la yidhi Qolo Gaar Ah Oo Habarawal La Yidhaahdo Ayaa Saleebaan Meesha Ka Qaadaysa Oo Mooshin Keenaysa=Xil Dayib Xasan.

Xildhibaan Dayib xasan Oo Ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha guurtida somaliland ayaa meesha ka saaray in aanay mudanayaasha golaha guurtida somaliland aanay saleebaan kursiga ka qaadaynin ,xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi

(Halkani waxaan kaga hadlayaa arrinyar oo ay saxaafadu maalmahanba qoraysay oo ku saabsan golaha guurtida somaliland arrintaasi oo aad loo qaadaa dhigay waxaa weeyaan waxaa la yidhi xildhibaano golaha guurtida ka mid ah ayaa waxay keeneen mooshin ay ku ridayaan saleebaan ,gudoomiyaha golaha guurtida ay ku ridayaan ayey keeneen arrintaasi warbaahinta iyo gobolada dalkaba saani ayey u gashay ,soomaalida ayey waxay ku maahmaahdaa beentu lug kaliya ayey leedahoo lugta marka la qabto way jabtaa anagu haddii aanu nahay Golihii ,waxaana la ydhi qolo gaar ah oo habarawal la yidhaahdo ayaa saleebaan meesha ka qaadaysa oo mooshin keenaysa ,arrintaasi waxaanu saxaafada iyo somalilandba iyo cidkastoo somaliland danaynaysa u sheegaynaa in arrintaasi wax ka jiraa jirin mooshinna aanaan keenin saleebaanna mooshin aanu ku ridayno aanaan u keenin mooshinna aanaan qorinba oo goluhu mooshinba qorinba aan idiin faahfaahiyee goluhu waxa uu sameeyey guudida joogtada ah ayaa waxay ajandihii kalfadhiga waxay ku soo dartay in xeer hoosaadka wax laga badalo ,arrintaasi ayaanu anagu ka doodnay mooshinna may ahayn waxaan kaga doodnay golaha dhexdiisa in wax laga badalo oo arrintoodii ayaanu yara qaadqaadnay taasina xaq ayaanu u leenahay haddii aanu golaha nahay ,ajandaha ama golaha hagaajintiisa ee naga khaldan in aanu hagaajisano xaq ayaanu u leenahay taasi ayey ahayd ,tiibaa waxaa laga dhigay in saleebaan mooshin ku keenay oo aanu ku ridayno oo ay meel walba ku qoran tahay oo ay waliba habarawal ridayso ,arrintaasi wax ka jiraa ma jiraan oo waxaanu ridaynaa ma jirto wixii golaha ah ee aanu tabanayno waa howl anaga nootaala oo aanu isaga u sheegayno waxaanu saxaafada marinay iyo wax aanu mooshin ku keenay midna ma jiro oo aanu ku ridayno saleebaan.

Aniga iyo saleebaan wax aanu isku haynaa ma jirto haddii uu khilaaf jiro dee idinma yidhaahdeen khilaaf ma jiro waanan cadayn lahaa ileen ciddi waxba yeeli maysee~!

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso