Japan oo ku fulisay xukun dil ah hogaamiyaha koox diimeedka “Om Shinrikyo” iyo xubno ka ag dhawaa


Maamulka Japan ayaa maanta ku fulisay xukun dil ah Choco Osaharo hogaamiyaha koox diimeedka Om Shinrikyo kaas oo masuul ka ahaa laba weerar gaaska sarin oo uu fuliyey sanadii 1994 iyo 1995.

Sidoo kale waxa dil lagu fuliyey xoghayhii milatariga ee kooxdaas Kyoheida Hayakawa oo sameeyey goobta soo saarka sunta ama gaas-ka saarin.

Waxa iyana dilkan lagu fuliyey shan hogaamiyo oo kooxdan oo kala ah Ssagyta dooryaan,Tomomitso Nemi, Masami Tsotaa, Thomas Nakagawa iyo Yoshihiro Inoue.

Dadka Taabacsan koox diimeedkan oo la aasaasay sanadii 1987 kii ayaa gaadhaa inta u dhaxaysa 30 ilaa 50 kun oo ruux,toban kun oo ka mid ahina waxay ku nool yihiin Ruushka.

Kooxdan ayaa ka fulisay hawlgal magaalada Matsumoto, gobolka Nagano, kaas oo ay ku dhinteen todoba ruux sidoo kale sanadii 1995 ayay bar tareen oo ku yaal Tokoyo ay ka fuliyeen weerar ay ku dhinteen 13 ruux kuna dhaawacmeen ama ku sumoobeen 6,300 oo ruux oo kale.

Ka dib dhacdooyinkan ayaa la qabtay 30 ka tirsan hogaanka kooxdan halka 13 ka mid ah lagu xukumay dil oo uu ka mid yahay hogaamiyaha kooxdan Choko Asahara laakiin se xukunkan ayuun baa hadda la fuliyey.

Dib u dhaca fulinta xukunkan ayaa lagu sheegay ka dib baxsi dhuumasho iyo raadin ay boolisku ku hayeen saddex ka mid hogaamiyayaasha kooxda oo baxsi ku jiray se boolisku ay sanado ka dib ku guuleysteen inay qabtaan

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso