Ciidanka Badda Maraykanka oo ka Jawaabay hanjabada Iran “Waxaanu sugi doonaa Xoriyadda Maraakiibta Maraysa Marinka Hormuz”


Ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in ciidankoodu ay damaanad qaadayaan xoriyada iyo nabadgelyada maraakiibta ganacsiga ka dib hanjabada Iran ee in ay mamnuuci doonto shixnadaha shidaalka ee maraya marinka Hormuz haddii ay Washington ay mamnuucdo iibka shidaalkooda.

Captain Bill Orban afhayeenka Xarunta dhexe ee ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay sugi doonaan amaanka iyo nabadgelyada mandaqada, damaanad qaadayaana xoriyada maraakiibta ganacsiga sida uu saamaxayo qaanuunka Caalamiga ahi.

Hogaamiyaha Ciidanka ilaalada Kacaanka Ismacil Kowsari ayaa ku hanjabay xidhitaanka Marinka Hormuz kaas oo isku xidha gacanka Carabta iyo Ka Cumaan ka dib go’aanka Maraykanka ee inuu carqaladeeyo Shidaalka ay soo saarto Iran.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso