Xukuumada Iiraan Oo sheegtay in ay xidhi doonto Marin Biyoodka Hormuz

Xukuumadda Iran ayaa ku hanjbatay in ay xayiraad kusoo rogi doonto maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isticmaala mid kamida marin biyoodyada ugu muhiimsan caalamka. 

Taliska ciidanka Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in ay joojin doonaan maraakiibta shidaalka sidda ee ka gooshta Marin biyoodka Hormuz haddii Mareykanku uu diido in shidaalka dowladda Iran ay soo saarto caalamka loo iibgeeyo.

Jeneraal Ismaaciil Kowthari oo ah taliyaha ciidamada kacaanka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray si kulul uga jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeedhay Donald Trump ee ahaa in uu xayiraad saari doono shidaalka Iran u iibgeyso suuqyada shidaalka caalamka.

“Haddii ay joojiyaan in waxsoo saarka Shidaalka Iran dibadda loo dhoofiyo annaguna waxaan mamnuuci doonnaa in wax markab ah uu ka gudbo gacan biyoodka Hormuz” ayuu yidhi Kowthari.

Isbuucii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka ayaa ka codsaday dowladda Sacuudiga in ay sare uqaaddo wax soo saarka shidaalka oo ay gaadhsiiso illaa laba Milyan oo Barmiil maalin walba tallaabadaas oo ka cadhaysiisay Iran iyo dowladaha shidaalka ee ku bahoobay Ururka OPEC.

Advertisement

Ku Xayeysiiso