Taliban Oo diidday qorshaha xukuumadda Afqaanistaan ee in la kordhiyo xabbad-joojinta


Dhaqdhaqaaqa Taliban ee Afganistan ayaa diidey soo jeedinta madaxwaynaha dalkaasi Mohammad Ghani lagu kordhinay Mudada xabbad-joojintii ku-meel-gaadhka ahayd ee ay ku dhawaaqeen labada dhinac intii lagu jiro Ciidul Fitriga.

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Dabixullah Mujahid ayaa AFP u sheegay in xaalada xabad joojintu ay maanta ku eegtahay, sidii markii hore loo qorsheeyay, dhaqdhaqaaquna wuxuu doonayaa in uu dib u bilaabo howlgallada dagaalka, isaga oo intaa ku daray in “Taalibaan” aysan doonaynin in la kordhiyo Mudada xabbad-joojinta iyada oo la tixgelinayo codsiga xukuumadda .

Dhinaca kale Wakaalada “Reuters” ayaa iyana xaqiijisay Diidmada Kordhinta Mudada Xabad-joojinta, iyaga oo ka soo xiganaya afhayeenka Kooxda Daalibaan.

Madaxweynaha Afgaanistaan ayaa shalay soo jeediyay in la kordhiyo mudada xabbad-joojinta muddo aan cayinayn wuxuuna sii daayay 46 xubnood oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa oo la hayay si loo muujiyo niyad wanaag dhinaca Xukuumada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso