Saalax ayaa ka qaybqaadanaya tababarka Xulka Masar ka hor inta aanay la Ciyaarin Xulka Ruushka

Xiddiga reer Masar Maxamed Saalax ayaa ka qeybgalay tababarka kooxda oo isu diyaarinaya kulanka soo socda ee ay la ciyaarayaan lugta labaad ee ciyaartooda Xulka Russia Koobka Adduunka 2018.

Macalinka Layliya Kooxda Faraacinada una dhashay Argentine Hector Cooper ayaa ka reebay Ciyaaryahan Maxamed Saalax Ciyaartii ay la yeesheen Xulka Masar Xulka Uruguay, taas oo Masar ay guuldarro ka soo gaadhay daqiiqadii ugu dambeysay iyadoo gool laga dhaliyay.

Xulka Ruushka ayaa ka walwalsan xulka Masar halka Masar hadii laga Badiyo ay wakhti horeba ka hadhayso Koobka Adduunka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso