Xidigii hore ee Reer Argentine Diego Armando Maradona oo Jabiyey Qawaaniinta Koobka Adduunka Raaligelin bixiyey!!!


Diego Armando Maradona ayaa raaligelin ka bixiyay sigaar uu Cabayay Markii uu daawanayay maalintii Sabtidii Ciyaartii barbaraha uu Xulka Dalkiisu la galay Xulka Iceland wareega hore ee Group D ee koobka adduunka 2018.

“Waxa ay aheyd maalin aad ugu adag reer Argentina , waxaa jiray xaalado badan oo kacsanaan ah markii ugu horeysay ee aan ciyaarno Koobka Adduunka,” ayuu yidhi halyeeyga reer Argentina Maradona.

“Qof kastaa wuxuu leeyahay habka uu dareemo waxwalba, si cad, ma aanan ogeyn sigaar-cabida in la mamnuucay, waan ka raaligeliyaa qof walba iyo ururkaba, Waligayo waanu taageerynaa dhallinyaradayada”

FIFA ayaa mamnuucday in sigaar lagu cabo garoomada Ciyaaraha Sanadkan koobka adduunka 2018.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso