Fanaan reer Masar oo Kooma Galay ka dib Guuldaradii Xulka Masar ay Baday Uruguay oo Geeriyooday

Waxa Geeriyooday Fanaanka Reer Masar ee Mahir Casam ka dib markii dhiig kaga furmay Maskaxda taas oo ay sababtay Ciyaartii Jimcihii dhex martay labada xul ee Masar iyo Uruguay kuna dhamaatay Guuldaro soo gaadhay Kooxda Faraacinada.

Fanaankan ayaa ay naftu ka dhacday saaka Waabarigii oo Axad ah isaga oo da’diisu tahay 38 Sanno jir walina koomaadii ku jira.

Sida ay sheegeen Ururka Xirfadlayaasha Jilida, Fanaanka ayaa dhiigu kaga furmay Maskaxada galabnimadii Jimcaha waxaana loo la cararay si dhakhso ah Cusbitaalka Imbaabat ka dibna waxa loo gudbiyey Cusbitaal kale ka dib markii xaaladiisu ka sii dartay.

Sida qorshuhu yahay Fanaankan ayaa maanta Duhurka la aasi doonaa.

Fanaanka Shariif Idirs ayaa sheegay in dhaawaca Mahir Casam uu ahaa dhiig maskaxda kaga furmay ka dib guuldaradii soo gaadhay Xulka Masar Ciyaartii ay la yeesheen Xulka Uruguay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso