Mudane madaxweyne reer Sanaag baan nabdaynaya boqorkeediina wuu  xidhnaanaya waa 2ba isu kay qaban waayey eish qiyaasak.

Mudane Madaxweyne yaan been laguu sheegin

Mudane madaxweyne reer Sanaag baan nabdaynaya boqorkeediina wuu  xidhnaanaya waa 2ba isu kay qaban waayey eish qiyaasak.

Maahmaah baa tidhaahda xaaja nimaan ogeyni indhuhu ka rida

BOQOR CISMAN AW MUXUMUD (Buurmadow) waa boqorka Ceelafwen iyo nawaaxigeeda cid ku haysataana ma jirto haddi nabad la raadinayana waa muftaaxeeda waxaa se muuqata in arinkii Ceel afweyn uu noqday mashruuci faanoole fari kama qodna 3 jeer oo hore aya dowlada kharashaad lagaga qaatay sidii loo soo dhamayn laha balse may dhamaan iyadoo wejiyo badan yeelatay.

–          Weji siyaasadeed ayaa loo bedeley waqtigii doorashadana xisbiyada qaarba ka qayb aha hurinta colaada iyagoo political strategy ka laha.

–          Somalia oo adeegsanaysa dad gudaha jooga weliba Burco iyo Hargaisa oo kharashaad lagu sii huriyo coolada usoo diraysa si xasiloonida Somaliland weji kale loogu tuso caalamka aduunka oo maalgashiga iyo aqoonsiga loo carqaladeeyo.

–          Waxaa jiro kale rag shaqo iyo meherad ka dhigta oo iyaga colaadaha ay ugu badisoba .

Waxaan kusoo afmeeraya qoraalkaygan wuxuu dhowr jeer guddoomiyaha ucid sheegay in guddi cusub loo saarayo arinka mashruuca noqday.

Hadaba waxaan kugu boorinaya madaxweyne inaad odayaasha Ceelafweyn oo uu kow ka yahay BOQOR CISMAN (BUURMADOW) aqalka madaxtooyada shir albaabadu u xidhan yihiin kula yeelatid oo arinku sida kusoo afmeermo waanan huba in guul iyo midho laga gaadhayo balse aan guddiyo aan aqoon u lahay mandiqada iyo bii’ada loo diro ay noqonuun in mashaaric khasnada dowlada lagu bartilmaameedsa  sii socoto aanay inagu soo noqnoqon  waayo baahida dalka taal way badan tahay  

Waxaan madaxweyne kugu adkaynaya BOQOR BUURMADOW laa’antii inay nabadu dhitindoonto.

taladana ninka daabkeeda haya ma arkee ka dibada ka jooga arka arinkaasi maanta hosaasada inooga ilaali 

ASALAMU CALAYKUM WA RAXMATULAAHI WA BARAKAATUH.

 Cabdalle Sahal 

Advertisement

Ku Xayeysiiso