Daawo Muuqaal Mas Liqay Haweenay Dalka Indonesia

Waxa laga helay Maydka Haweenay reer Indonesia ah Caloosha Mas Dhererkiisu yabay 7 Mitir oo lagu qabtay meel u dhaw goobtii lagu Waayay Haweenaydan iyada oo ka shaqaynaysa Bustaankeeda sida ay sheegeen Boolisku.

Maydka Haweenaydan oo la yidhaa Wa Tabya da’deeduna tahay 54 sanno jir ayaa dadka tuuladu ay baadi goob ugu jireen ilaa maalintii shalay deegaanka Percapan Luella ee jasiirada Mon Koonfur galbeed Sulawesi.

Dadka Tuulada ayaa ka shakiyey Maska ka dibna way dileen waxayna u soo saareen dibada beerta ayuu yidhi Madaxa Booliska Maxaliga ahi.

Waxaanu intaa ku daray inay qaleen Maskii calooshiisna ay ka heleen Maydka Haweenaydan sida muuqata madaxa ayuu hor liqay .

Maska ayaa ku badan kuna nool dhulka kaymaha ee Indonesia iyo Philippine si baahsan se sida caadada ah waxay ugaadhsadaan Xayawaanka waana dhif iyo naadir in ay bini aadamka Liqaan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso