Mike Pompeo Waxaanu Dawlada ugu yeedhaynaa la xisaabtanka Hogaanka Iran

Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay Maraykanku taageerayo Go,aanka Canada ee lagu cambaareeyey taageerada joogtada ah ee Iran siiso Argagaxisada, kuna dartay Ciidanka Ilaalada kacaanka Liiska Argagaxisada.

Waxaanu intaa ku daray in Iiraniyiinta hor taagan yihiin Nidaam Faasid ah waxaananu ugu baaqayna Shacbiga iyo dawladaha kaleba inay la xisaabtamaan Hogaanka Iran.

Taageeradan Maraykanka ayaa imanaysa ka dib markii Baarlamaanka Canada uu u codeeyey Maalintii Salaasadii ina dhaaftay Qaraar ku sifeeyey Ilaalada Kacaanka Iran Argagaxiso, xukuumada Canada na ka codsaday in ay joojiso dhamaan wadahadalada lagu soo celinayo Xidhiidhka Nidaamka Iran.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso