Nidaamka Suuriya oo Duqeeyey Darca +Ilmihii Ciidayay oo Mayd ah!!!

Sida ay wariyeen Hay’adda Xuquuql Insaanka Suuriya Ciidamada Nidaamka Suuriya iyo Xulafadiisa ayaa Duqeeyey Maalintii Jimcihii Magaalada Darca Koonfur Galbeed Suuriya duqeyntaas oo ay ku geeriyoodeen Lix qof oo shacab ahi.

Sidoo kale Nidaamka Suuriya waxa uu duqeeyey Tuulooyinka Kafr-shamis iyo Alxart maalinti Jimcii ee Ciida.

Sidaasay ayay ku Ciiday Darca Ciidul Fidriga Maalintii Shalay iyada oo badhtanka ugu Jirta dhiig.

Waxaana la soo bandhigay Sawirada Wiil da’ahaan yar Lana yidhaa Maxamed Alqawarid isaga oo si nabad ah ku soo toosay isu diyaariyay Ciida, Xidhay dharkii Ciida ,Timaha soo Xiirtay una maleeyey in ay maanta ka duwan tahay maalmii kale, se waxa uu iloobay ilbidhiqsiyadii dhimashada iyo burburka ee Suuriya ka socday in ka Badan 7sanno ilaa uu la kulmay saacado yar ka dib Duqayn diyaaradeed oo dilay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso