Ciidamada Haaddi oo sheegtay Inay Qabsadeen Madaarka Xudeyda bilaabeena inay ka guraan Miinooyinka.

Qaybta Warbaahinta Ciidamada Yemen ayaa saaka oo Sabti ah sheegtay inay ka xoreeyeen Xuutiyiinta Madaarka Duwaliga ah ee Xudayda.

Waxayna intaa ku dareen Ciidamada Sharciyada Yemen iyo isbahaysiga Taageersan Sharciyadda ay xoreeyeen Madaarka Xudeyda ee ay hore u haysteen Maliishiyaadka Xuutiga.

Ciidmada qaybo ka mid ah ayaa wada inay ka nadiifiyaan miinooyinka lagu aasay Madaarka hareerihiisa.

Qabsashadan ayaa imanaysa ka dib maalintii shalay markii Ciidamada Yemen ay qabsadeen Goobaha laga galo madaarka laguna go’doomiyey Maleeshiyaadka Xuutiga Gudaha madaarka.

Dagaalka lagaga xoreynayo Xuutiga magaalada Xudeyda ayaa bilaabmay 13 June magaaladaas oo ay hore uga arriminayeen Xuutiga.

Ahmiyada Madaarkan ayaa ah mid istiraatiiji ah,madaarkan ayaa kaga yaala magaalada Xudeyda Koonfurta waxaanu ka fog yahay Dekeda IstiraatiiJiga ah ee Xudeyda wax ka yar 10 KM oo ah dekeda labaad ee ugu weyn dalka Yemen ahna halka qudha ee u hadhay ee wax ay uga soo degaan Maleeshiyaadka Xuutiga.

Madaarka Xudeyda ayaa ah mid kamid ah madaarada ugu muhiimsan ee Yemen waxaana ku yaala saldhig weyn oo ciidanka cirka ah intii aanay u wareejin Maleeshiyaadka Xuutigu Saldhig ay iyagu leeyihiin.

Qabsashada Madaarka Xudeyda ayaa iyana fududeynaysa qabsashada Jidka isku xidha Xudeyda iyo Caasimada Sanca kaas oo ku adkaynaya Xuutiga ku sugan Gudaha magaalada iyo dekeda in ay sii wadaan dagaalka helaan taakulo ciidan iyo gurmadyo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso