Urdun Oo Safiirkeedii Kala Baxday Iran “Amniga Sucuudigu Waa Amnigeena”


Masuul sare oo ka Tirsan Urdun ayaa cadeeyey maanta Oo Jimce ah in dalkiisu ka soo qaatay Safiirkoodii u fadhiyey Iran Cabdilaahi Saleman Abu-Raman laguna soo celiyey Xarunta Wasaaradda Khaarajiga ee Camaan Urdun ka dib Go,aan golaha Wasiirada dalku gaadheen.

Masuulkan ayaa sheegay in aanay jirin qorshe ah in safiir cusub loo magacaabo loona diro Tahran Iran Wakhtigan hadda.

Qaraarkan ayaa ka dambeeya siyaasada Iran ee faragalinta Shuumaha ama arrimaha Dalalka mandaqada, ayuu Raaciyey Masuulkani.

Masuulkan ayaa intaa ku daray in Safiirkii Urdun uu si rasmi ahba ugu soo noqday Saaka Cumaan ka dib markii loo yeedhay si loogala tashado Faragalinta Iran ee Gobolka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso