Gudoomiyaha Kooxda Kubada Cagta Sucuudiga oo Sheegay in ay Ciqaabayaan Saddex ka mid ah Ciyaartoygooda Ka dib Jabkii Shalay Gaadhay!!!

 
Wuxuu ku balan qaaday la xisaabtanka saddexda Laacib ee kala ah Gool-haye Cabdilahi Almacyuuf, Difaacyahan Cumar Husawi iyo weerar-yahan Maxamed Sahlawi.

Gudoomiyaha Xulka Kubada Cagta Sucuudiga Cadil Cisat ayaa balan qaaday in lala xisaabtami doono saddexda Ciyaartoy ka dib jabkii gaadhay kooxda Sucuudiga markii ay iska horyimaadeen furitaanka xulka Ruushka Ciyaarta Bilowga Koobka Addunka 2018 maalintii shalay.

Mar uu la hadlay Telefeeshin isaga oo ka faaloonaya waxa gaadhay Sucuudiga ayuu Cisat sheegay la xisaabtanka Ciyaartoygan oo uu ku eedeeyey in aanay buuxin boosaskii ay ku lahaayeen Ciyaarta.

Waxaanu intaa Ku daray in mustwaha xaga isla haysashada ee kooxdu xumaa ilaa xad.

Waxaanu Cadeeyey in khaladaad badani jiray oo Xaga taaktikada kooxda iyo tababaraha iyo habsan xaga bedelka ciyaaryahanada.

Jabka Sucuudiga ayaa ah in bilowgii ay ka qaybgaleen Koobka adduunka oo ay ugu horeysay 1994-kii laga dhaliyey 14 Gool oo aan xul kale laga dhalin.

Xulka Sucuudiga ayaa ku fashilmay 14 Goor oo uu ciyaaray 13 ka mid ah in goolkiisi ama shabaqiisuu ahaado mid Nadiif ah goolalna laga dhaliyo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso