Maryakan-ka Oo Sheegay Dilka Hogaamiyaha Daalibaan-ta Pakistan meel u dhaw Xuduudka Pakistan iyo Afganistan

Masuul Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Afganistan ayaa Wakaalada Reuters u sheegay in Mulla Fadlulaahi Hogaamiyaha Kooxda Daalibaan-ta Pakistan in lagu dilay duqayn xaga Cirka ah oo ka dhacday Afganistan meel u dhaw xuduudka Labada Dal ee Pakistan iyo Afganistan Khamiistii.

Dhinaca Washington Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay fuliyeen duqayn Xaga Cirka ah ayna ku beegsadeen Hogaamiye sare oo ka tirsan Xagjirka Gobolka Konar.

Masuul Maraykan ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in bartilmaameedku ahaa Mulla Fadlulaah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso