Madaxaa ha Ku Furto oo Lagu Xukumay Haweenay Faransiis ah Dalka Ciraaq

Maxkamadda dambiyada ee Ciraaq ayaa Axada Maanta ku xukuntay xabsi daa’im haweenay Faransiis ah lana yidhaa Melina Bogdir, kadib markii lagu helay eedeymo ah in ay ka tirsan tahay ururka “Daacish,” sida ay qortay AFP.

Melina Bogder ayaa Maxkamadi Hore ugu xukuntay Bishii Febraayo todobo bilood oo xabsi ah iyada ku sheegtay in ay dalka ku soo gashay Sharci daro waxaana loo badinayay in loo masaafurin doono Faransiiska, laakiin maxkamad ayaa amar ku bixisay in dib loo eego iyada oo cuskanaysa sharciga cusub ee la dagaallanka argagixisada ee Ciraaq.

Melina waxaa lagu xukumay sharciga la dagaallanka argagixisada, kaas oo gaadhsiisan ilaa ciqaab dil ah.

Maxkamad ku taal Baghdad ayaa xukumo ku riday in ka badan 300 dagaalyahanno ajnabi ah iyada oo ku xukuntay xukuno kala duwan oo kala ah Dil iyo xabsi daa’im , intooda badanna haweenkan ayaa u kala dhashay Turki iyo Jamhuuriyadihii hore ee Soofiyeedka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso