Golaha Wasiiradda Itoobiya oo Ansixiyey In la Qaado Xaaladda Degdega ah ee ay Ku jirtay Itoobiya

Addis Ababa, June 3, 2018 (ToggaHerer) Shirka golaha wasiirada wadanka Itoobiya ayaa lagu ansixiyey in laqaado xukunka xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay seddax bilood ka hor dalkaasi.

Fitsum Ariga oo ah madaxa xafiiska R/wasaaraha Itoobiya Abeey Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay qiimeeyeen xaaladda ammaan ee wadanka ayna ogolaadeen in laqaado xukunka xaaladda degdegga ah balse wuxuu sheegay in go’aanka kama dambeysta ah uu leeyahay baarlamaanka Federaaliga ah.

Ethiopia ayaa hore u shaacisay Lix Bilood oo Amar Degdeg ah kaas oo ka bilaabmayay February 16, 2018.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso