Musiibo cusub oo ku dhacday muhaajiriin xeebaha Turkiga Kuwa Dhintay Qaar la la`yahay iyo Shan la…..

Sagaal qof oo tahriibayaal ah oo doonayay inay gaadhaan Yurub ayaa geeriyoodey ka dib markii ay doonnidii ay la socdeen ku degtay Axada Maanta xeebaha Turkiga, Sidaana waxa sheegay warbaahinta maxalliga ah.

Doontu waxay soo waajahday dhibaato Badda Mediterranean gaar ahaan magaalada Antalya, halkaas oo sagaal qofna ay dhinteen shan kalena la badbaadiyey la la’yahay na hal qof.

Heshiiska u dhexeeya Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa sababay hoos u dhac tirada dadka u soo tahriibaya dhinaca xeebta Giriigga, laakiin doonyaha ayaa weli ayaa isaga gudba xeebta Turkiga iyaga oo ujeeda ama socda dhinaca Yurub.

Warqabadka TogaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso